Caalamka Diblamaasi Mareykan ah oo kulan la yeeshay kooxda Taliban

Kooxda Taliban ayaa waxa ay shaaca ka qaaday in wadahadalo ay kula yeesheen dalka Qadar danjiraha Mareykanka ee dalkaasi, Zalmay Khalilzad.

Arrintan ayay Taliban ku dhawaaqeen saacado uun ka dib markii ay fuliyeen weerar ay dad ku dhinteen.

Dadaalada waadaxaajoodka ayaa dhawaan hakad galay ka dib markii Washinton ay ka biya diiday kooxda Daalibaan oo iyagu sheegay in aysan wadaxaajod la galayn dowlada Afqanistaan.

Kooxda ayaa ku adkaysanaysa in cidda ay wadaxaajoodka la galayaan ay tahay Mareykanka oo aysan dowlada Afqanistaan la fariisan doonin.

Kooxda Taliban ayaa mar walba diida in ay la kumaan dowladda Afqanistaan oo ay ku tilmaamaan mid daba dhilif u ah reer Galbeedka.