Wafdi ka socda dalka Finland oo Muqdisho soo garay

Magalada Muqdisho waxaa Maanta soo gaaray mas’uuliyiin ka socatay 25 Shirkadood iyo Diplomaasiyiin Finland ah,iyada oo siweyn loo soo dhaweeyay.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo mas’uuliyiin kale ayaa wafdigaan kusoo dhaweeyay Magalada Muqdisho,iyaga oo kulan gaar ah yeeshay.

U jeedada wafdigaan ayaa waxaa lagu sheegay in Magalada Muqdisho ay uga qeyb geli doonaan  shirka Ganacsiga iyo Maalgashiga ee dowladaha Soomaaliya iyo Finland oo Muqdisho ka dhacaya.

Soomaaliya ayaa xilligaan wado qorshooyin kala duwan oo ku aadan in la helo shirkado dalka Soomaaliya maalgashi ka sameeya.