Meydadka dhalin yaro la dilay oo lagu arkay Duleedka Muqdisho.

Warar la helay ayaa sheegaya in deegaanka Ceelasha biyaha gaar ahaan meel u dhaw masjidka loo yaqaano dabaqeynka ee deegaankaasi ay xalay fiidkii la soo dhigay meydadka afar dhalinyaro ah oo la sheegay in deegaankaasi lagu dilay.

Dhalinyarada mid ka mid ah ayaa sitay funaanad tuutaha, taasi oo dadka qaar ku sheegeen in ay ahaayeen askar, balse ma cadda sax ahaanshiyaha iyo ciidamada ay sida gaarka ah uga tirsanayeen hadii ay jirto.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ceelasha biyaha ku dhaqan ayaa KNN u sheegay in meydadka saakay ay ku arkeen deegaankaas, isagoona sheegay in walaac xoogan ay ka muujiyeen dadka deegaanka.

Ceelasha biyaha oo duleedka kaga beegan magaalada Muqdisho ayaa ka mid ah meelaha ay inta badan ka dhacaan dilalka loo geysto dadka qeybahooda kala duwan, waxaana jirta in sidan oo kale bilihii ugu dambeeyay ee sanadkii hore lagu arkay dad inta la dilo la iska dhigo qeyb deegaanka ah.