Kenya oo sheegtay in ay fashilisay weerar la mid ah Midkii hoteelka DusitD2

Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa dalka Kenya ayaa waxa ay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Al-Shabaab , kuwaasoo doonaayay in ay weeraraan Gudaha Magaalada Mombasa ka hor inta uusan dhicin weerarkii lagu qaaday Magaalada Nairobi.
Hay’adda Ammaanka dalka Kenya ayaa waxa ay sheegeen xubno ka tirsan Shabaab ay kiraysteen Hoteel ku yaalla Mombaza, islamarkaana ay qorsheeyeen in ay weerar qaadaan, laakiin ay ogaadeen in Ciidanka Booliska ay ka war heleen, islamarkaana qaarkood iyo hubkoodii ay baxsadeen.
Kooxdaan ayaa doonaysay in ay qaado weerar la mid ah kii lagu qaaday Hoteelka Dusit 2, islamarkaana weeraradda ay ahaayeen kuwo la rabay in la mataaneeyo, laakiin ay fashilmeen markii Ciidanka Booliska ay hawadda ka saareen Isgaarsiinta Magaalada Gaarisa, sidoo kalena ay xireen Wadadii ay mari la’haayeen Kooxdaasi.
Lama Shaacin goobta ay doonaayeen in ay ka weeraraan magaalada Gaarisa, laakiin booliska waxa ay sheegeen in ay hayaan xog sahli karta in la caddeeyo goobta ay ku wajahnaayeen Kooxda Carartay Markii wadooyinka Magaalada la xiray.