Erdogan: Israaiil colaad ayay gobollka ka hurinaysaa

Israaiil oo duqeyn ka geysatay Masar, Cabdifataax Sisi oo raali ka ah!
Argentina oo joojisay ciyaar saaxiibtinimo oo ay la dheeli lahayd Israa’iil
Kooxda xuquuqda aadanaha ee la socodka xaaladda Suuriya ee fadhigoodu yahay UK ayaa dhankooda sheegay in gantaalada Isra’iil lala bartilmaameedsaday goob u dhaw caasimada Suuriya ee Dimishiq.
Hay’adda ayaa intaa ku dartay in duqaymaha Israa’iil lagu burburiyay xarun la dhigo hubka.
Axaddii ayay ahayd markii Israa’iil ay sheegtay in ay qabatay gantaal laga soo riday Suuriya ka dib markii ay Suuriya ku eedeeysay Israa’iil in ay duqayn ka gaysteen gudaha Suuriya.
Waxaa inta badan nadir ah in ay Israa’iil qirato in ay weeraro ka fulisay gudaha Suuriya.
Bishii May ee 2018 ayay ahayd markii ay Israa’iil sheegtay in ay bartilmaameedsatay fariisimo ay Iiraan ku leedahay gudaha Suuriya.