Doorashada Congo: Madaxweynayaal Afrikaan ah oo durba hambalyo diray

Taageerayaasha Felix Tshisekedi ayaa soo dhoweeyay xukunka maxkamadda
Labo madaxweyne oo Afrikaan ah ayaa ugu hambalyeeyay hoggaamiyaha mucaaradka Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo Felix Tshisekedi guushii uu ka gaaray doorashadii madaxtinnimo ee dalkaasi ka dhacday, inkastoo Midowga Afrika uu sheegay inuu “shaki weyn ka qabo” natiijada.

Maxkamadda dastuuriga ah ayaa xukmisay in Tshisekedi uu guuleystay, kaddib markii ay diideen doodda musharraxii la tartamayay ee Martin Fayulu.

Wuxuu Martin sheegay in Tshisekedi uu heshiis la galay madaxweynaha xukunka ka sii degaya Joseph Kabila.
Kooxda Mr Tshisekedi ayaa arrintaasi beenisay.

Madaxweynayaasha Kenya Uhuru Kenyatta iyo madaxweynaha Koofur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa hambalyadooda diray.

Mr Ramaphosa ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada “inay xushmeeyaan go`aanka maxkamadda dastuuriga ah ayna ku dadaalaan nabadda”.
Urur-goboleedka Koofurta Afrika, Sadc, ayaa sidoo kale soo dhoweeyay guusha Tshisekedi, isagoo ugu baaqay dhammaan dadka Congo inay taageeraan madaxweynaha la doortay si ay u ilaaliyaan “midnimada, nabadda iyo xasiloonida”.

Midowga Afrika, oo la filayay inuu maanta oo Isniin ah wafdi u diro Congo, ayaa haatan ka baaqsaday.

Jimcihii, wuxuu ugu baaqay maxkamadda inaysan ku dhawaaqin natiijada codbixinta.

Muxuu Martin Fayulu leeyahay?
Mr Fayulu, ayaa sheegay inuu yahay madaxweynaha “saxda ah”.

Waxaa jirta eedeyn ah in doorashadaasi lagu shubtay. Mr Fayulu ayaa ugu baaqay taageerayaashiisa “inay abaabulaan dibaxbaxyo aan rabshado wadan si ay u difaacaan maxad bannaanida dalkaasi”.

Sidee ayay maxkamadda dastuuriga ah u aragtaa?
Maxkamadda ayaa sheegtay in Mr Fayulu uu ku guul darreystay inuu caddeeyo in guddiga doorashada uu ku dhawaaqay natiijo aan sax ahayn.

Waxayna ku dhawaaqday in Felix Tshisekedi uu yahay “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo”.

Waxaa la filayaa in muddo toban maalmood gudahood lagu dhaariyo.

Mar walba rabshado ayaa wehliya marka hoggaanka dalkaasi la beddelayo.

Balse muranka ka dhashay doorashadaasi ayaa dhaawacay rajadii laga qabay inay noqoto tii ugu horreysay ee si nabad ah xilka lagu kala wareego, tan iyo intii ay Congo xornimadeeda ka qaadatay dalka Biljamka sanadkii 1960.

Maxaa ka soo baxay codbixintii 30-kii December?
Guddiga doorashada ayaa hore ugu dhawaaqay in Tshisekedi uu helay 38.5% codadka, halka uu Fayulu ka helay 34.7%.

Musharraxii ka socday isbahaysiga talada haya Emmanuel Shadary ayaa helay 23.8%.

Si kastaba, Mr Fayulu ayaa ku dooday in Mr Tshisekedi uu heshiis la galay Mr Kabila, oo xilka dalkaasi hayay muddo 18 sano ah.

Kabila, ayuusan dastuurka u oggoleyn inuu madaxtinnimo u istaago markii saddexaas oo xiriir ah.

Doorashada ayay ahayd inay dhacdo dhammaadkii sanadkii 2016, balse dhowr jeer ayaa dib loo dhigay sababo dhanka farsamada ah, sida ay saraakiishu sheegeen.

Sidoo kale dib u dhacyo badan ayaa jiray maalintii codbixinta. Makiinadaha codbixinta ee goobaha codbixinta qaarkood ayaa shaqeyn waayay.

Maxay dadka kale yiraahdeen?
Tirade rasmiga ah ayaa waxaa ku gacan seyrtay Kaniisadda Catholic-gga oo sheegtay inay dalkaasi geystay 40,000 oo kormeerayaal ah.

Khubarrada caalamiga ah ee fadhigoodu yahay Mareykanka, iyo kuwo ka kala socday dowladaha Faransiiska iyo Jarmalka, ayaa sidoo kale shaki muujiyay.

Warbaahinta qaar ayaa si sir ah loogu gudbiyay natiijada, Kooxda Baaritaanka ee Congo (CRG), ayaa sidoo kale sheegtay in Mr Fayulu uu guuleystay.