Wax ka baro Taariikhda Ibnu Batuuta iyo Imaam Abuukar Imaam Cumar.

Ibnu Batuuta, Boqorkii Abgaal iyo Masjidkii aan ka naxay Dumintiisa.

ARAAR: Aad iyo aad ayaan isagu dayay in aan soo gaabiyo qoraalkaan, saxda ah, laakin intaa ka badan haddii aan sii gaabiyo nuxurka yaa ka dhumayo. Fadlan adna isku day in aad wada Akhriso, si aad uga faa’iidu qoraalkaan taariikhiga ah.

Ibn Battuta, ( Abu Cabdullahi Moxamed Ibnu Cabdullahi Al wati al Danji Ibnu Battuta ) oo ahaa Nin Safarada Jecel una dhashay Dalka Marooko (Qabaa’ilka Barbari ee Madow) ayaa Sannadkii 1325 Xajka aaday, kadibna Afrika, Aasiya illaa Shiinaha waxa uu safray 75,000 mile, muddo 30 Sanno ah, meelihii uu tagay waxaa ka mid ahaa, Afrikada Bari,Bartamaha, Galbeed , Asiya badankeeda iyo Somalia, waxa uu ku safray Bad iyo Birri.

Waxa uu dhinaca Badda uga soo Dhaqaaqay Zeylac waxa uuna soo aaday Mogadishu safarkaa oo qaatay 15 Maalmood. ( waa 700 Sanno ka hor). Waxa uu yiri: Mogadishu waxa ey aheyd magaalo weyn, waxa ey laheeyd wax soo saar loo dhoofiyo Masar, Carabta kale, Aasiyada Fog iyo meela kale.

Waxaa Caado aheyd haddii Markab yimaado Mogadishu, marka hore waxaa tagaya Doonta “Sanbuq” ee Suldaanka . Waxa ey weydiinayaan halka uu ka yimid Markabku?. Cidda iska leh?. Badeecada uu wado?. Kabtanka Markabka?, iyo Gancsatada iska leh badeecada?. warbixintaa waxaa loo gudbinayaa Suldaanka ( Imaamka) kadib ayaa la fasaxayaa.

Waxaa kale oo ey caado u leheyd markii Markab yimaad waxaa aadi jiray Doomo yar yar oo loo yaqiin “Sanbuq” mid kasta waxaa saaran wiilala wado Saxaman ey Cunto ku jirto. Waxa eyna u dhiibayeen Ganacsatada saaran Markabka, iyaga oo leh: Ganacsadahani aniga ayuu marti ii yahay, ganacsaduhuna wax uu aadayaa guriga wiilkaa yar meel kalena kuma dagi karo. Allabta uu wado uu dhan waxaa u iibinayo reerkaa, wixii uu soo gadanayana iyagaa u soo gadayo, waana kala tashanayaan sicirka. Qoraalada qaar ayaa buugaagta ugu qoran Sidan: ( Upon arrival in Mogadishu harbor, it was the custom for small native boats (“sunbuqs”) to approach the arriving vessel, if a merchant accepted such an offer, and then he was obligated to lodge in that person’s house and to accept their services as sales agent for whatever business they transacted in Mogadishu)

Ibnu Batuta ayaa yiri: Markii ey yimaadeen Wiilashii Markabkii aan saarnaa, Ganacsatadii ayaa ku tiri: Ninkani Gancsato ma ahan, waa Caalim Sharciga Islaamka yaqaan. Wiilashii ayaa yiri: waxa uu marti u noqonayaa Qaaliga Magaalada sida sharcigu yahay. Kadibna Nin Qaaliga ka socdo ayaa ii yimid, waxaa la ii geeyay Qaaligii. Waxa uuna igu yiri: waxaan aadeeynaa Suldaanka Magaalada. waa waajib hadduu yimaad Nin caalim ah, Ashraaf ah ama Barakeysan in uu tago marka hore Guriga Suldaanka.( FG: Qoraalada qaar Ninka magaalada xakumayay waxa ey ugu yeeraan Sheikh, Suldaan ama imaam).

Ibnu Batuuta waxa uu yiri: Suldaanka Magaalada waxaa la dhihi jiray Suldaan Abukar suldaan Cumar. Waxa uu ahaa Nin madow oo ku hadlaya Luqada Somalida waxa uuna wax ka yaqiin Luqada Carabiga iyo Diinta. Qaaligu waxaa la dhihi jiray Ibnu Burhaan waxa uuna ahaa Masri uu Suldaanku magacaabay. Qaaligii ayaa u sheegay Suldaanka in aan Xijaas ka imid. Suldaankii ayaa yiri hala casuumo, hana la geeyo Guriga Martida iyo Xerta. Waa sida ku qoran Qoraalada Carbiga qaar, kuwa Engish-kuna waa sidaan: ( The sultan of Mogadishu was Abu Bakr ibn Shaikh Umar. He was Barbara and spoke the local language of Mogadishu, but he also knew Arabic. Battuta was introduced to the Sultan by the “qadi” Ibn al-Burhãn, an Egyptian). Qoraalada qaar ayaa ku sheegaya Suldaanada Abgaalka Sannadkii 700-1860,Isticmaarka ka hor in ey ahaayeen Sidan: Mogadishu Kingdom 700 – 1860. 1) Suldaan Daameey Cali (Xume) Axmed. 2) Suldaan Cumar father of Abu bakar. 3) Suldaan Abu Bakar. 4) Suldaan Axmadkii 1aad. 5) Suldaan Maxammadkii 1aad. 6) Suldaan Axmadkii 2aad. 7) Suldaan Maxmuud. 8) Suldaan Cali. 9) Suldaan Cismaan. 10) Suldaan Muxamadkii 2aad. 11) Suldaan Axmadkii 3aad. 12) Suldaan Xassan Cabdulqadir Xaji. Waa sida ey ugu qoran tahay Buugaagta.

Ibnu Batuta ayaa yiri: waxaa la i geeyay Gurigii Martida oo u dhawaa kan Suldaanka, waxa uu lahaa gogol aad u hardhan waxaana yiil wax kasta oo aan u baahan karay. Waxaa Cuntada ii keenayay Nin Wasiir ah oo Suldaanka u qaabilsanaa Martida oo kaliya. Waxa uu ii keeni jiray Cabitaan Dalka Suuriya laga keenay, Bariis Dufan fiican lagu kariyay, Suxuun khudaar ah ,Hilib: xoolo, Digaag iyo kaluun, Moos, Cambe oo ey aheyd markii iigu horeysay oo aan cuno aad ayuuna u macaa, Liin, caano dhaay ah iyo kudaar kala nuuc ah. Dadka Mogadishu waxa ey ahaayeen Dad waaweyn, oo Jirkoodu dhisan yahay, mid kasta oo iyaga ka mid ahi waxaa uu cuni jiray inta ey cunaan dhowr Qof oo annaga naga mid ah.

Kadib markii aan joogay Saddax Maalmood oo maalintiiba Saddax mar aan wax cunayay, maalintii Afraad oo jimco aheyd waxaa ii yimid Xertii, Qaaligii iyo Wasiirkii Martida, waxana la ii keenay dhar cusub oo qaali ah, Cimaamad, Qamiis, Koofi, iyo mid Dhaxda lagu Xirto oo laga kala keenay Masar iyo Jerusalem, kuwii ila socdayna dhar kale oo ka raqiisan keeyga ayaa la siiyay.

Kadibna waxaan aadnay masjidka weyn ee Magaalada, Salaada kadib anniga iyo Qaaligii ayaa salaanay Suldaankii, waa noo duceeyay, kadibna Qaaligii ayuu kula hadlay Luqada somaliga oo Qaaligu wax ka yaqiin. Kadibna Suldaankii waxa uu u soo baxay Masjidka banaankiisa, waxa uuna istaagay Qabrigii wiilkiisa oo halkaa ku aasnaa, Qur’aan ayuu ku aqriyay waana u duceeyay. (( Laakin Qoraalada qaar ku qoran Afka Ingriiska ayaa leh waxa uu ahaa Qabrigii Aabihii. They went to the Mosque and prayed with the Sultan in his royal enclosure. After the service, the Sultan stopped at the grave of his father)).

Kadibna waxaa yimid Wasiiradii, Amiiradii iyo Taliyayaashii Ciidamada weeyna wada salaameem Suldaanka. Kadibna waxa uu ka baxay xeeyndaabkii Masjidka waxa uuna Gashaday kabahiisii. Anniga iyo Qaaligii ayuu nagu yiri: kabahiina gashada ee ii soo raaca gurigeeyga, intii kale Caga cadaan ayey ku soo raacayeen ( waa sida ku qoran buuga Asalka ah ee Ibnu Batuuta Qoray 700 Sanno ka hor)

Waxaa Suldaanka Dushiisa waxaa ahaa Hu’ sida Dalladda ah oo Xariir kala midab ah lagu hardhay, Afarta Dhinac mid kasta waxaa ka saarnaa Shimbir weyn oo Dahab laga sameeyay. Suldaankuna Waxa uu xirnaa Go’yaal midabkoodu Cagaar ahaa oo laga keenay Jerusalem iyo dhar kale oo Masar laga keenay, koofiyad iyo Cimaamad xariir ah. Qoraalada ingriiska ah (Raised over his head [as he walked] four canopies of colored silk and on the top of each canopy was the figure of a bird in gold).

Waxaa hor socday Nimman Gurbaano garaacayo oo leh Suldaankii ayaa soo socdo, waxaa ka sii horeeyay Madaxda Ciidamada, Qaaliga, Qareenada iyo Ashraafta, illaa uu ka galo Qolka weeyn ee dhageeysiga oo Xafiis u ahaa, kadibna wasiirada , Amiirada, Madaxda Ciidamada ayaa ku fadhiistay kuraastooda , qaaliga waxaa loo Goglayay Katiifad gooni ah oo kaligii uu ku fadhiisanayo, waxaa dhinac fadhiisanayay Qareenada iyo Ashraafta. Qolku waxaa uu ahaa mid aad u weyn oo lagu hardhay midabo kala duwan oo aad u qurxanaa. Halkaana waxaa la joogay illaa Galabtii, kadibna Asgartii ayaa saf u galay sidii ey u kala sareeyeen. Kadibna Gurbaan ayaa la garaacay, Turumban waa la yeeriyay, Qof waliba halkiisii kama dhaqaaqin, kadibna Suldaankii ayaa la wada salaamay, sidaa waxaa la sameeyaa Jimca kasta ayuu Qoraalkiisii ku qoray Ibnu Batuuta.

Maalintii Xigtay ee Sabtiga Dadku waxa ey ku soo wada fadhiisteen Kuraas dhaadheer oo guriga Boqorka hor taal. Guriga Suldaanka waxaa gali kara Qaaliga, Qareenada, Ashraafta, Ragga Culumada ah, Qofkii hore u soo Xajiyay iyo Nabadoonada waxa eyna ku fadhiistaan kuraas u gaar ah oo Qofba kaligii kursi u gaar ah leeyahay, laakin Qaaligu kaligii ayuu fadhiistaa. Kadibna Qolka dhageeysiga waxaa soo galaya Suldaanka, waxa uuna u yeeray Qaaliga oo Bidixdiisa fadhiisanayo, Midigtana waxaa ka fadhiisanayo Martida. dhamaan Dadkii kale waxa ey salaamayaan Suldaanka kadibna halkoodii ayey ku noqonayaan. Waxaa nala siiyay Cunto fudud. kadibna Suldaankii ayaa aaday Qolkiisii u gaarka ahaa.

Kadibna Qaaligii, Wasiirka Cadaalada, Xogheeyn gaar ah iyo Afar Nabdoon iyo Amiiro ayaa fadhiisanaya si ey u dhageeystaan Dacwooyinka iyo Cabashada Dadweynaha. Su’aalaha Shareecada khuseeya waxaa ka jawaabaya Go’aaminayana Qaaliga, kuwa Cabashada Dadweynahana waxaa ka jawabaya Gudii Garsoorayaal ah oo Maxkamadda ka socdo iyo Cuqaasha, Wasiiro iyo Amiiro. Haddii Dacwada ama Cabashadu adgtahay waxa fiirinaya Suldaanka oo loo geeynayaa, waxaana loo geeynayaa iyada oo Qoraal ah, waxa uuna ku soo Jawaabayaa Qoraal kale, Go’aankiisa ayaana noqonayo kama dambeeys, waa sida Ibnu Batuta ku Qoray Qoraaladiisii Carabiga ahaa, kuwa Af Ingriiska ku qoranna waxey u qornaayeen sidaan. ( When the Sultan’s opinion was required, the court sent a written request and he replied by writing on the back of the note and returning it).

Sidaa ayaan ku soo arkay dhaqanka Mogadishu ayuu qoraalkiisii ku qoray Ibnu Batuuta 700 Sanno ka hor. (Anna intaa ayaan ku soo koobayaa soo ururinta Taariikhdaa).

Masijkii aan ka naxay Dumintiisii.

Annaga oo Arday ah ayaa maalin Macalinkii Taariikhdu waxa uu nageeyay Masjidka Xamar Jab Jab, waxa uuna nagu yiri: Masjidkaan sida Taariikhdu sheegee, waxaa ku Tukaday Ibnu Batuuta, kacaankuna waa dayac tiri jiray Masjidkaa. (Aniguna mar kasta oo aan halkaa marayo waan soo xasuusan jiray Casharkii macalinkaa).

Mardhow kacaankii kadib ayaa Qolo Culuma ah oo Mashuurc dayactir iyo dhismo Masaajid ka soo qaatay Carabtu waxa ey dumiyeen dhamaan Masjidkii Taariikhiga ahaa, waxana laga dhisay Masjid kale, dhukii kale ee Masjidka u soo harayna waxaa loo isticmaalay Deegaan iyo Ganacsi.

Tix raacyada aan ka soo Xigtay Qoraalkaani waa:

1- Excerpt from East African Coast, edited by G.S.P. Freeman-Grenville

2-Oxford: The Clarendon Press, 1962). Reprinted by permission of Dr. G.S.P. Freeman-Grenville.

3- Buugii uu qoray Ibnu batuuta laftiisu. Buuga Wasaaradda wax barashada Masar ayaa u xilsaartay saddax khabiir in ey soo ururinta Taariikhda safarkii Ibnu batuuta, kuna soo koobay Buuga la yiraa ( Mahdab Rixlatu Ibnu Batuuta)

4-Buuga “Somaliya Qadiiman wa Xadiithan” ee uu qoray: Xamadi Al Sayid Saalim oo Masri ahaa, Bogga 489 pragraphka 7aad. Ee uu leeyahay Sanadkii 730kii ee Sannadka Hijriyada waxaa Xamar xakumi jiray Boqor Somali ah oo la dhihi jiray Abuukar Cumar waxaan Xukunkiisa hoos imaanayay Magaalooyinka: Warshiikh, Jilib, Marko, Barawe iyo kuwa kale.

5-Buuga “Muqadishu” oo ey qortay Dowlada Hoose ee Mogadishu, waqtigii kacaanka,( waa buuga kaliya ee Dowladii Kacaanku toos u qurtay ee ka hadlayo Taariilhda Xamar. Bogga 1aad waxaa ku sawiran Jan. Maxamed siyaad Barre, Bogga 2aadna Saxiixa Abuu Raas oo ahaa Duqii magaalada waqtigaa. Buugaa oo Af Carabi ah waxaa ku qoran “Saldanatu Abgaaliyuun”. Oo uu leeyahay 14 Boqor oo Abgaal ah ayaa Xamar soo xakumi jirtay oo isaga dambeeyay Xukunka Xamar. Waxaa ka mid ah liiska Magacyada Buugaa kacaanku qoray Imaam Abukar Imaam Cumar.

6-Book illustration by Léon Benett published in 1878 showing Ibn Baṭṭūṭah in Egypt, iyo Qoraalo kale oo badan.

FG: Sawirka 1aad- sidii ey u tiil Zeylac markii uu tagay. F.S: 2aad Gurigii Suldaanka Xamar. F.S: 3, 4, 5, & 6aad, Qoraaldii buugii Ibnu Batuuta. F.S: 7aad khariidada dhulkii uu maray Ibnu Batuuta. F.S: 8aad: Masjidkii Xamar Jab Jab ee Ibnu Batuuta ku tukaday intaa la bur burin dhowr Sanno ka hor.

FG: Arragtidaada xur ayaad u tahay, wixii ka dhiman ku dar, wixii qorayaashii hore ey ka khaldeen ka sax, ogoowna Annigu ma qorin ee waan kuu soo ururiyay oo kaliya, Taaiikhda Somalida, waxaa wada leh soomali oo dhan.

Qore: Yahya Amir