Mareykanka oo shaaciyay tiradda Shabaab looga dilay Baar-sanguuni

Dowladda Mareykanka ayaa war kasoo saartay duqeymihii shalay ka dhacay degaanka Baar-Saguuni waxaana ay sheegtay in duqeymahaasi lagu dilay xubno badan oo ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab.

War kasoo baxay taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa lagu sheegay in 52 ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab lagu dilay ka dib markii Ciidanka Mareykanka ay ku qaadeen duqeyn Jawaab u aheyd weerarkii ay shalay kusoo qaadeen degaanka Baar Saguuni.
Taliska ayaa sheegay in sidoo kale jiraan tiro intaasi ka badan oo waxyeelo ay kasoo gaartay duqeyntii, Maadaama xilli ay saarnaayeen Gawaari la beegsaday.

Warka ayaa lagu sheegay in dhammaan howlgalladaasi ay ka qeyb qaateen Ciidanka sidda gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya.
Ma jirto Cid Shacab ah oo ay waxyeelo soo gaartay sidda lagu sheegay warka.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa muddooyinkii dambe waxa ay kordhiyeen duqeymaha ay la beegsanayaan saldhigyada Shabaab ay ku leeyihiin Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.