Jubbaland oo wada diyaar garowgii ugu danbeeyey dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa degmada Dhoobley ee gobolka Jubadda Hoose waxa uu ka wadaa abaabul ku saabsan ciidanka kuwaasi oo u diyaar garoobayo dagaal ka dhan ah al-shabaab.

Madaxweynaha dowlad goboleedka jubaland Axmed Madoobe ayaa sidoo kale booqday xero ciidanka daraawiishta ee maamulka Jubbaland ku leeyihiin Dhoobley, asigoona kulan la qaatay saraakiisha ciidamada ee ku sugan xerooyinka uu booqday.

Axmed madoobe oo la hadlay Ciidamada ayaa waxa uu sheegay in looga baahan yahay inay isku howlaan dadaalkoodana ay laba jibaaraan maadama la doonaayo in al-shabaab laga saaro deegaanada jubba-land.

Dhinaca kale ururka Al-Shabaab ayaa gobollada Jubbooyinka ka wada dhaqdhaqaaqyo iyo abaabul ay iskugu diyaarinayaan weeraro ay ku qaadayaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda, kuwa maamulka Jubaland iyo ciidamada AMISOM.