Tahriibayaal Soomaali ah oo Dooni kula degtay xeebaha Dalka Liibiya.

Muqdisho- Wararka laga helaayo Dalka Liibiya ayaa sheegaya in Dooni ay saarnaayeen 20-ruux oo muhaajiriin ah ayaa ku dagtay xeebta dalka Liibiya, halkaasi oo laga helay 3-meyd ah sida ay maalinimadii Jimcaha ku warantay Wakaaladda Wararka ee dalka Talyaaniga.

Wakaaladda Wararka ANSA ayaa Xaqiijisay in doontaasi oo ka sameysnayd Rabar ama Caag la buufiyay ay ku degtay meel 50-km magaalada caasimadda Tiribuli kaga beeegan Woqooyi ee badda Mediterranean–ka.

Tahriibayaasha ayaa Sadex ka mid ah oo saarnaa doonta la soo badbaadiyay, inkastoo la sheegay inay liidato xaaladooda caafimaad ee dadkaasi.

Baadi goob ay wadaan Ciidamada ilaaliya xeebaha dalka Liibiya ayaa lagu raadinaayaa 14-ruux oo muhaajiriin ah oo weli ku maqan badda gunteeda.

Dhanka kale sanadkii tagay in ka badan 2,240 ruux ayaa dhintay ama la waayey,iyagoo isku dayaya inay gaaraan dalalka Yurub sida laga soo xigtay hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR.