Ra’iisal Wasaare Kheyre oo kulan gaar ah la yeeshay Sheekh Kenyawi

Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Sheekh Maxamed Sh. Ibraahim (Kenyawi) oo ka mid ah culumaa’udiinka Soomaaliyeed isla markaana maalmahaan ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka Ra’iisal Wasaare Kheyre ayuu ku ammaanay wadaadka Sheekh Kenyawi iyo ololihiisa “Cafi Walaalkaa” ee uu shacabka Muqdisho ku baraarujinayo muhiimadda ay leedahay is cafinta.

“Sheekh Kenyawi barnaamijkiisa CAFI WALAALKAA ee uu dalka ka wado waa mid loo baahan yahay si aan dalkeena dib ugu dhisno” ayuu ku yiri qoraalkiisa Ra’iisal Wasaaraha oo sheegay in tallaabadani ay tahay mid wax ka tareysa midnimada shacabka.

Kulanka ayaa waxaa kale oo looga hadlay sidii uu Sheekha u sii kordhin lahaa, isla markaana ugu baahin lahaa dhammaanba gobolada dalka, isagoo Ra’iisal Wasaaraha u ballanqaaday in dowladiisu ku garab taagan tahay ololihiisa is cafinta dadka.

Maalintii shalay ayay aheyd markii Sheekh Kenyawi uu muxaadaro u jeediyay kumanaan dadweynaha gobolka Banaadir, halkaasi oo uu Sheekhu uga dalbaday in qof kasta oo halkaasi ku sugan ay cafiso qofkii dembi ka galay amaba horay u xumeysay.