Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan: “Waxaan dalbanayaa in la i cafiyo”

Ganacsade Abuukar Cumar Cadaan oo ka mid ahaa maalgeliyeyaalkii maxkamadaha Islaamiga ah ee magaalada Muqdisho ka asaasmay ayaa markii ugu horeysay ka dalbaday cafis shacabka Soomaaliyeed.

Abuukar Cumar Cadaan ayaa sheegay in loo baahan yahay inay dadku is cafiyaan isla markaana walaaloobaan si loogu noqdo Alle SWT, wuxuuna tilmaamay inuu isagu ahaa qofka ugu badan ee wax laga sheegto.

Waxaa kale oo uu sheegay in isagana dhinaciisa uu cafiyay qof kasta oo uu wax ka tabanayay amaba uu deyn ku lahaa, wuxuuna hadalkiisaan ku soo beegmayaa xilli maalintii shalay Sheekh Maxamed Kenyawi uu Muqdisho ka wado barnaamijka is cafinta shacabka Soomaalida.