Faahfaahin Dagaalka ka dhacay Baar Sanguuni.

War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in ay la wareegeen saldhig military oo ku yaala duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubada Hoose.

Al-Shabaab ayaa sheegay in hub ku qabsadeen dagaalka ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni, islamarkaana waxaa ay sheegeen in ay dileen tobaneeyo ka tirsan Askarta militariga Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland.

Balse ma jirto cid xaqiijin karta war ka soo baxay Al-Shabaab.

Sidoo kale Ma jirto weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Militariga Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland.

Deegaanka uu weerarka ka dhacay ayaa waxaa lagu magacaabaa Baar sanguuni, waxaa uuna 45KM waqooyi kaga began yahay Magaalada kismaayo.