Ciidamada Marykanka iyo kuwa Dowladda Somalia oo bur buriyay Idaacadda Andaluus,islamarkaana dilay Wariyaal Al-Shabaab ah.

Muqdisho-Warbaahinta ku hadasha Afka ciidamada ayaa baahisay in ciidamada xoogga Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ay duqeymo ka fuliyeen Magaalada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhaxe.

Wararku waxay sheegayaan in Duqeynta lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo Wariyaal u shaqeeya Al-Shabaab.

General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) Taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo la hadlay Idaacada Ciidamada ayaa sheegay in ciidamada xoogga iyo kuwo Mareykan ah weerar duqeyn iyo mid dagaal ka fuliyeen gudaha Magaalada Bu’aale ee Jubbada dhexe.

Taliyaha ayaa sheegay in weerarka uu si gaar ah kaga dhacay xarunta Idaacada Andaluus oo ku hadasha Afka Al-Shabaab.

Gen. Bogmadow ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku dileen 15 Xubnood oo ka tirsan Al-shabaab iyo Afar wariyaasha Al-shabaab ah, islamarkaana Qalabkii Idaacadaas lagu bur buriyay weerarka duqeynta iyo dagaalka isugu jiray, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale Saraakiisha Militariga ma sheegin magacyada Wariyaasha iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ee loogu dilay Duqeynta ka dhacday Magaalada Bu’aale ee Jubbada dhexe.