Wasiirka Kaluumaysiga Soomaaliya oo digniin u diray Maraakiibta ka kaluumeysta Xeebaha dalka.

Muqdisho-Cabdillahi Bidhan Warsame Wasiirka kaluumeysiga ee kheyraadka badda ee xukuumadda soomaaliya oo lahadlayay TV-ga ku hadla afka dowladda ayaa sheegay in biyaha soomaaliya uu ku soo xadgudbay shalay markab doonayay inuu si sharci dara ah uu kaga kaluumeysto badda soomaaliya.

Wasiirka ayaa Markabka ku tilmaamay inay ku wargeliyeen dekadaha dowladaha dariska la ah Soomaliya in la xanibo si uusan u baxsan markabkaasi.

Ma sheegin wasiirka magaca markabka,blse wuxuu shaaca ka qaaday in dhowaan ay dacweyn doonto Soomaaliya markabkaasi lagana qaadi doona ganaax adag.

Dhanka kale Wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee xukuumadda soomaaliya ayaa ka dalbaday kalluumeysatada Soomaaliya inay ku soo wargeliyaan wasaaradda Maraakiibta sharci darada kaga jalaabta biyaha Soomaaliya marka ay arkaan.