Ururka Al-Shabaab oo shaaca ka qaaday inay Askar Itoobiyaan ah ay ku dileen Gobolka Bay.

Muqdisho-Al-Shabaab ayaa war ka soo baxay waxay ku sheegteen mas’uuliyada weerarkii ka dhacay duleedka degmada Buurhakaba ee Gobalka Bay, kaasi oo lagu qaaday ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda itoobiya.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in Ciidamada Itoobiya ay ka dileen ku dhawaad 57 askari, tiro intaa ka badana ay ka dhaawaceen,islamarkaana waxay sheegeen in gaadiid badan ay ka gubeen ciidamada itoobiya, laakin ma jirto cid xaqiijin karta warka ka soo baxay Al-Shabaab.

Ilaa iyo hadda ma jiro weli wax war oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee joogga Gobalka Bay,kuwaasi oo qayb ka ah Howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.