Midowga Yurub oo kordhinaya taageerada AMISOM

Sarkaal sare oo uhadlay ciidamada Midowga Yurub ayaa amaanay howlgalka nabad-illaalinta Soomaaliya ee AMISOM.

Esa Pulkkinen, oo EU-da uqaabilsan dhinaca tababarada iyo qorsheynta ayaa xusay in taageeradooda cusub ay noqon doonto mid laysku halayn karo.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu hoosta ka xariiqay in ciidamada midowga Afrika ay door muuqata ka qaadanayaan nabadeynta Soomaaliya.

Mr Pulkkinen oo midowga Yurub uqaabilsan dalalka Mali iyo Soomaaliya ayaa qiray in xaalada Somalia ay kasoo hagaageyso sidii ay ahayd sanado hore.

Hadalkaan kasoo yeeray sarkaalka oo dhowaan yimid Muqdisho ayaa kusoo aaday xili dalalka ciidamada ugu deeqay AMISOM ay xuseen in aysan askartooda kala baxayn Soomaaliya inta ay jirto halista Al-Shabaab.