FAA’IIDOOYINKA CAAFIMAAD EE LAGA HELO DHEGA YARAHA(QALINKII FUR-KA).

Dhega yaraha ( Qalin furka ) waxa uu ka tirsan yahay qoys dhireedka loo yaqaan Myrtaceae wuxuuna asal ahaan kasoo jeedaa Jasiirada Maluku ee dalka Indonesia, dhega yaraha waxaa ganacsi ahaan u beerta dalalka Bangladesh, Indonesia, India, Madagascar, Pakistan, Sri Lank Zanzibar ( Tanzania). FAA’IIDOOYINKA CAAFIMAAD EE LAGA HELO DHEGA YARAHA WAXAA KA MID AH :


•.Dhega yaraha waxa uu la dagaalamaa cudurka KANSARKA.
• Dhega yaraha waxa uu kahor tagaa cudurada kudhaca BEERKA.
• Dhega yaraha waxa uu ilaaliyaa heerka cudurka SOKORTA.
• Dhega yaraha waxa uu kor u qaadaa HABKA DIFAACA JIRKA.
• Dhega yaruhu waxa uu caawiyaa DHEEF SHIIDKA.
• Dhega yaraha waxa uu daweeyaa CUDURADA AFKA.
• Dhega yaraa waxa uu adkeeya LAFAHA.
•Dhegayaraha waxaa laga helaa Fiitamiinada kala ah : A,C, E, K, B3 ( Niacin ) iyo B2 ( Riboflavin).
• Dhega yaraha waxaa laga helaa Macdanta kala ah : Potassium,Calcium,Sodium,Magnesium,Phosphorus,Iron iyo Zink.

Muse Mohamed Osman. E- Mail : muusekiimiko@gmail.com