MUQDISHO: Dab qasaare hantiyeed baaxad leh geystay oo ka kacay kaalin shidaal

Wararka laga helayo isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu dab qabsaday kaalin Shidaal oo ku taalla halkaasi.

Dabka ayaa la sheegayaa inuu markiisii hore ka bilowday Koronto ku jirtay goob ku dhegan kaalinta shidaal, kaasi oo lagu soo waramayo inuu yahay mid baaxad leh, oo qaybo kale kusii baahaya, iyadoo iminka gurmadyo kala duwan ay bilaabeen gaadiidka dab damiska iyo dadweyne fara badan.

Khasaaro u badan mid hantiyadeed ayaa lasoo sheegayaa inuu geystay, inkasta oo aanan la haynin tirakoobka rasmiga ah.

Gaadiidka dab-damiska ayaa ku howlan sidii ay ubaq-tiijin lahaayeen Dabkaasi, iyaga oo durba meesha gaarey.