Madaxweynaha Jubbaland oo dagaal kaga dhawaaqay Doobley

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa kaga dhawaaqay Magaalada Dhoobley dagaal ka dhan ah dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan gobolka Jubbadda Dhexe.

Madaxweynaha ayaa sheegay in howlgal Saddex Geesood ah ay ku qaadi doonaan Al-Shabaab, islamarkaana ay kusoo Afjari doonaan sidda ugu dhaqsiyaha badan , Maadaama uu sheegay in ay Muddo badan ay ka gacanta ku hayaan gobolka Jubbadda Dhexe.

Waxaa uu sheegay in Ciidanka Jubbaland laga doonaayo in ay ka diyaar garoobaan Magaalo kaste si ay howlgalka qeyb ay kaga noqdaan.

Axmed Madoobe ayaa xusay in Ciidamo uu ku diyaariyay degmada Afmadow,islamarkaana dhawaan ay qaadi doonaan howlgal lagu xoreynaayo gobolka Jubbadda Dhexe.