Luquntaada oo lagu murmo laqdabo waaye Waa maah maah Banadiri ah

Ciidamada Kiinya waa inay ka baxaan Waddanka Soomaaliya, in ay ka mid noqdaan ciidamada Amisom isla markaana xasuuq u gaystaan Shacabka Soomaaliyeed ee halkaa ku nool wax la yeeli karo oo loo dulqaadan karo maaha.
———————-
Dowladda Kiinya laqdabo, iyo isku haleen Dowlado Shisheeya oo gadaal ka riixayay ( Gardarro Garab og) ayee ciidamadeeda soo galisay Soomaaliya iyadoo sabab ugu dhigaysay markaas in ay argigixisada Shabaab ay dulaan ku ahayd.

Runtii ujeedadii ma ahayn mid qarsoon oo waa lawada oga, Dowladihii reer Galbeedka ahaa oo Nowrway ugu horaysay ayaaba sheegeen in loo danlahaa Shidaalka ku jira Badda Soomaaliya, Kiinyana islamarkaana isku dayday in ay sheegato o ay balaariso xuduudda badda ee Soomaaliya la leedahay.

Waa faduul cad oo aan geed loogu soo gamban in Dowladda Kiinya ay ciidamadeeda Soomaaliya soo geliso.
Kiinya ma aysan tix gelin daris wanaaggii ka dhaxeeyay 2da Dal, ma tixgelin dhibaatada iyo burburka ay Soomaaliya ku dhex jirtay sanado badan.
Midda keliya ay tixgelisay waxay ahayd balan qaadkii ay ka heshay Dowladihii dabada ka riixayay oo bixinayay qarashka dagaallka ay ciidamada Kiinya ku soo qaadeen Soomaaliya.
Haddaba in la gaaro danta loo soocday waxay
ku xirneed in ammanka Gobolada Jubooyinka iyo in la xaqiijiyo gacan ku haynta iyo isticmaalka dekkeda Kismaayo.

Dowladda Kiinya iyadoon miisaamin awoodeeda ciidan ayee in indha damuuq ciidamadeeda ku soo gelisay Soomaaliya iyadoo xataa aan la tashan Madaxda Soomaaliyeed markaa Waddanka ka talinaysay, madaama ay aaminsaneed in si sahlan ay ku qabsan karto Gobolada Jubooyinka, laakiin maanta waxaa cadaatay in ciidamada Kiinya ay guuldarro weyn kala kulmaan Soomaaliya islamarkaana dagaalka loo raro magaalooyinka Kiinya siiba caasimadda Nairobi.

Ciidamada Kiinya waxay dileen muwaadaniin tira badan Soomaaliyeed ee isugu jira dumar, waayeel, caruur, xoolo dhaqato, tuulooyin iyo magaalooyin ayee dayaarado ku duqeeyeen, uma aysan nixin rayidkii Soomaaliyeed ay ku dileen Jubooyinka ilaa Gedo.

Ilaa iyo hadda MW Kiinya wuxuu taaganyahay ciidamadayna Soomaaliya ka bixi maayaan, wuxuu taaganyahay xoog baan ku soo galnay Soomaaliya xoog baana ku joogaynaa.Waa hadal cad, oo aan fasiraad u baahneen.

Ma jirto hal mar oo Kiinya laga cambaaradeeyay xasuuqa ay ciidamada Kiinya ka wadaan gudaha Soomaaliya, mala maqlin madaxda Kiinya oo ka taxsiyaynayso
Muwaadaniinta soomaaliyeed ay ciidamada kiinya ku laaynayaan gobolada jubooyinka iyo Gedo.
Uhuuruna wuxuu ku adkaysanayaa in uu yiraahdoo Cidamadayna Soomaaliya ka bixi mayaan.

Madaxda Soomaaliyeedna in ay u sujuudaan ciidamadii kiinyaanka lagu laayay Jubooyinka ee geestay xasuuqa shacabka Soomaaliyeed iyo sidi maanta Wasiirka Arimaha dibada Axmad Ciise Cawad oo tacsi aan la weydiisan iska diraya asagoo og in Dowlada uu tacsida u dirayo ay ciidamadeeda xasuuq ugu jiraan shacabka uu ka mas’uul yahay.

Dott. Abuukar Nuur Xuseyn
Gudoomiyaha Xisbiga B. Dem.