Kulankii Sheekh Kenyaawi ee maanta

Maalinta birito waa maalin aad u weyn oo muxadaro loogu magacadaray cafi walaalkaa lugu qaban doono istadio konis, Yusuf yusuf oo ah muwadin u taagan u adeegida ummada Soomaliyeed ayaa Waxaa u yiri Maanta Shiikh Kenyaawi baan la kulmey, waana la sheekeysanay, run ahaantii sida u fekeraayo wadaadada Soomaaliyeed inay wada noqdaan ayaa fiicnaan laheyd Masha Allah.

Kadibna suuqa la marey dadka oo dhan marka ay arkaan wey istagayaan rag iyo dumarba waxayna leeyihiin inta u soo leexdaan shiikhoow soo dhawoow, nala joog anaga ku wada rabna isna si xushmad leh buu ila hadlaayay.

Mid baa iga soo baxdey intii yareyd aan wada soconey wadaadka inuusan ka laheyn muxaaradiisa damac aduun, maal iyo darajo iyo weliba halagaa sheego, siyaasadna shaqo kuma lahan, firqo diimeed kuma jiro.

Shacabka Soomaaliya ku nool wey bislaadeen 80% , dadkana wey kale barteen, beentii wey ka soo ilbaxeen lama siri karo.

Dowlada Soomaaliya waajib ka saaran ilaaliso amaankiisa islamarkaana gacan ku siiso la kulanka shacabkiisa loo madax banaaneeyo madaama uu wax wanaagsan oo umadeena uu ku walaaleynaayo u wado wadaadka.

Berito galab dadka ayuu kula hadli doonaa garoonka kubada cagta Banadir ( Stadium CONIS) insha Allah ee halaga soo qeyb galo .
# Dadka wanaagsan ee wanaaga wada Hala taageero