Gabar ka tirsan xildhibaanada BFS oo loo diiday inay dalka ka dhoofto (Waa maxay sababta?)

Mid ka mid ah haweenka ka tirsan xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa loo diiday inay dalka ka dhoofto, kaddib markii ciidamo Boolis ah ka hor istaageen inay raacdo diyaaradii qaadi lahayd garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde magaalada Muqdisho.

Falkaan oo dhacay laba maalin kahor ayaa waxaa ka hadlay afhayeenka ciidamada Booliska mar uu warbaahinta la hadlayay ku sheegay in Xildhibaanada loo heysto dhaawac ay u geysatay haweeney iyana xildhibaan ka ah Baarlamaanka Federaalka.

Kiiskaan oo socday muddo hal toddobaad ah ayaa la sheegayaa inay baaritaano ku hayaan taliska ciidamada Booliska, waxayna Xildhibaan Muna Kay baraha bulshada ku faafisay in gabar iyada la dhalatay si sharci darro ah loo xiray arrintaasna uu ka dambeeyo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Xildhibaanad Muna Kay ayaa sheegtay in xafiiska Ra’iisal Wasaaraha laga soo abaabulay falalka iyada lagu beegsanayo, waxayna tilmaantay in arrintaasi ay ka dambeysay kaddib markii ay iyadu diiday inay codkeeda siiso meel marinta wax ka bedelka sharciga Bankiga Dhexe.

Hadalka Xildhibaanadda ayaa meesha ka saaraya inay iyadu dagaal la gashay xildhibaanad kale isla markaana dhaawacyo culus u geysatay wejigeeda, iyadoo Ra’iisal Wasaare Kheyre dusha u saartay inuu mas’uul ka yahay xayiraadda lagu soo rogay.