Ciidamo Mareykan ah oo lagu dilay weerar ka dhacay Suuriya

Ciidamo Mareykan ah ayaa lagu dilay weerar ismiidaamin ah oo ay kooxda IS ka fulisay waqooyiga Suuriya, sida ay sheegeen militariga.

Dagaalyahanno ka tirsan Kooxda isku magacaawday Dowladda Islaamka ayaa isku qarxiyay meel u dhaw bar kontrool oo ay militariga Mareykanka ku leeyihiin magaalada Manbij oo ay heystaan Kurdiyiinta.

Weerarka wuxuu gaar ahaan ka dhacay Huteel ay kulan ay ku yeelanayeen golaha militariga magaalada Manbij iyo ciidamada Mareykanka, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Ciidanada Mareykanka oo howlgal ka wado magaalada ManbijImage caption: Ciidanada Mareykanka oo howlgal ka wado magaalada Manbij
Yaa u maqan Kurdiyiinta markuu Mareykanka isaga baxo Suuriya?

Labo kamid ah ciidamada Mareykanka ayaa ku dhintay halka saddex kamid ah ciidamada ay ku dhaawacmeen weerarkaasi, sida ay sheegeen taliska militariga.

Militariga Mareykanka ayaa ku sugan magaalada Manbij si ay taageero ugu fidiyaan maleeshiyaadka Kurdiyiinta iyo kuwo Carabta ee dagaalka kula jiro kooxda IS.

Kooxda isku magacaawday Dowladda Islaamka ayaa laga saaray magaalooyin badan oo ka tirsan bariga Suuriya.