Bandhig Beereed lagu qabtay Degmada Jowhar

Munaasabad lagu soo bandhigayay bariis loogu talogalay in lagu kordhiyo wax soo saarka beeraha bariiska magaalada Jowhar ayaa maanta lagu qabtay beer ku taal duleedka bari ee magaalada Jowhar.

Caasimadda Hirshabelle State ee Jowhar ayeey beeralayda kusoo bandhigeen tacabka bariiska.Deegaannada Hirshabelle oo…

Posted by Hassan Abdikadir Mudey on Thursday, January 17, 2019

Shirkadda Danwadaag ayaa beertan tijaabada ah waxa ay u soo bandhigeen qaar ka mid ah beeralayda bariiska, aqoonyahannada bariiska, ganacsatada, wax garadka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxa Shirkadda Danwadaag degmada Jowhar Marwo Maryan Xaaji Daa’uud oo ugu horeyntii ka war bixisay ujeeddada bandhigga ayaa sheegtay inay tahay sidii ay indhahooda ugu arki lahaayeen shacabka gobolka Sh/dhexe bariiskan cusub ee hore aan dalka hore looga beeri jirin.

“Beertan waxaa ka soo baxay waa noocii ugu horeeyay ee bariis ah oo dalka laga beero waxaana uu ka caawin doonaa beeralayda sidii ay u soo goosan lahaayeen bariis tayo leh.”ayay tiri Marwo Maryan Xaaji Daa’uud.

Munaasabadan ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay la taliyaha Shirkadda Danwadaag Dr Maxamed Cali Sheekh waxaana uu ka war bixiyay heerarka uu soo maray beerista bariiska dalka uuna heerkii ugu sareeyay gaaray dhammaadkii siddeetameedyadii.

“Bariiska meelo kaladuwan oo dalka ka mid ah ayaa laga beeri jirey balse hadda waxa uu ku soo ururay magaalada Jowhar, waxayna shirkaddan Danwadaag bilowday inay raadiso abuur maadaama abuurkii hore uu noqday kuwo isku qasmay.”ayuu yiri Dr Maxamed Cali.

Sidoo kale Dr Maxamed Cali ayaa sheegay in ay si taxadar leh u fiirin doonaan qaabka uu abuurkan u noqon lahaa mid tayo leh oo ay beeralayda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa degmada Jowhar.

Beeralayda Bariiska ee magaalada Jowhar ayaa soo dhoweeyay shirkadda Danwadaag dadaalka ay ku sameeyeen sidii sare loogu qaadi lahaa abuurka bariiska.

Cabdi Aadan Ibraahim oo ka mid ah beeralaydii ugu horeysay ee ka bilaaba tacabka bariiska magaalada Jowhar konton sano kahor ayaa sheegay in lagu bilaabay beerista bariiska abuur yar isla markaana uu gaaray heer aad u sareeya tacabka bariiska.

Tacabka Bariiska ayaa haatan dib uga bilowday magaalada Jowhar kadib markii sanadihii la soo dhaafay uu ku yimid hoos u dhac, Shirkadaha ku bahoobay Danwadaag Group ayaa haatan bilowday sidii sare loogu qaadi lahaa tacabka beeraha bariiska iyo dalagyo kale.