Al-Shabaab oo xirtay Nabadoon garsoor iyaga u doontay.

Muqdisho-Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa xiray Nabadoon Axmed Cali oo loo yaqaano (Axmey) oo ka mid ahaa ergooyinkii soo xulay Baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii la sheegay inuu garsoor u doontay Deegaanka Luuqjeelow oo ay maamulaan Al-Shabaab.

Wararku waxay sheegayaan in Nadoonka isaga uu lugihiisa ugu tagay Al-Shabaab, isagoo cabasho ah, garsoorna raadinaya, kadibna Shabaabku ay aqoonsadeen sidaasina ay xabsiga ugu taxaabeen.

Ehelada Nadoonka ayaa sheegay in 72-dii saac ee la soo dhaafay uu ku jiray Gacanta Al-Shabaab, islamarkaana markii ugu war dambeysay inta laga qaaday luuq jeelow, ayaa la sheegay in loo kaxeeyay deegaanka Bu’q aqable.

Dhanka kale arintan ayaa ka dambeysay kadib markii uu muran dhexmaray Gabar uu isaga dhalay iyo Seygeeda, iyadoo labadooda dacwad u doontay Al-Shabaab, kadibna lagu amray inay u yeeraan aabayaashooda, sidaasi darteedna Nadoonka oo u doodaya gabadhiisa halkaasi lagu xiray.