Al Shabaab oo ka hadlay weerarkii ay ku qaadeen dalka Kenya.

Afhayeenka Xarakadda Al Shabaab Sheikh Cali Dheere ayaa ku tilmaamay Weerarkoodii Maaagalada Nairobi mid jawaab u ahaa  Tallaabadii uu madaxweynaha Mareykanka Donald  trump uu Magaaladda Qudus ugu magacaabay Caasimadda Yahuudda.

Waxaana  uu sheegay weerarkooda  in uu ahaa mid loogu aargudayo muslimiinta Falastiin sida uu hadalka u dhigay Afhayeenka Al Shabaab.

Dhaq dhaqaaqa Al Shabaab ayaa sheegay in  illaa 50 ruux ay ku dileen weerarkii lagu qaaday Hotel ku yaalla Galbeedka magaladda Nairobi kuwaas oo 17 ruux ka mid ah  ay ahaayeen ajaanib kasoo jeeda dalal aysan Kenya ku jirin.

Dhanka kale Dowladda Kenya ayaa shaacisay in weerarkaasi ay uga geeriyoodeen 14 ruux islamarkaan ay Ciidamada Kenya goobta ku dileen dagaalamayaashii weerarka ku soo qaaday.