Maxay tahay sababta loo xiray Gabadha la dhalatay Xildhibaan Muna Kay

Qaasim Axmed Rooble Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyay sababtii loo xiray gabar la dhalatay Xildhibaan Muno Khaliif Abuu (Muna Kay) oo lagu soo eedeeyay inay gacan u qaatay Xildhibaan Luul.

Afhayeenka Booliska ayaa sheegay in shalay ay Booliska u soo dacwootay Xildhibaan Luul Cabdi Aadan oo ka dacwooneysa eedeysane Maryan Khaliif Abuu oo la dhalatay Xildhibaan Muna Kay, waxaa uu tilmaamay in Xildhibaan Luul ay aheyd dhibane dhaawac ka gaaray wejiga gacan ka hadalka dhex maray, sidaas loogu diray warqad caafimaad, iyadoo Booliska ay soo xireen Maryan Khaliif Abuu.

Waxaa uu sheegay in Maryan Khaliif Abuu ay dhaawac culus ay gaarsiisay Xildhibaanad ka tirsan Golaha Shacabka, islamarkaana markii damaanad lagu sii daayay ay isku deyday in ay ka baxsato Magaalada Muqdisho, islamarkaana laga soo xiray garoonka Aadan Cadde Markale.

Xildhibaanad Muna Key oo ah walaasha Gabadha la xiray ayaa baahisay Muuqaal ay ku sheegtay in ay ka Cabaneyso Madax ka tirsan dowladda Soomaaliya oo walaasheyd ku xiray caddaalad daro.