Arrinka Bangiga dhexe ee Soomaaliya: Maxaa wadniyad ah maxaase dan kale ah?

Waxaa socda Buuq, dood, jidbo iyo xamaasad ka dhalatay aqoonyahan ajnebi ah oo la yidhi waxaa uu u tartamayaa jagada gudoomiyaha Bangiga dhexe ee soomaaliya. Baarlamaanka soomliya ayaa dood adag, fara taag-taag iyo is-riix riix badani xildhibaanada dhexmaray kolkii loo coddeynayey qodob waxlaga bedelaayey oo xiriir la leh arrinkan Bangiga dhexe. Waa wareey iyo dalkeenii baa la qaadanayaa baa socota. Balse dalkaan soomaaliya ma waxaa laga naxaa oo keliya kolkii la yiraa qof ajnebi ah ayaa jogo muhiim ah laga yaabaa inuu ku guuleysto.

Waxaa loo coddeeyey in dalka soomaliya la keeno ciidan hubaysan oo qaarkood ka socdaan wadamo uu khilaaf naga dhexeeyo. Waxaa maalin walba la gumaadaa boqolaal haldoorka dadkeena ah waxaana gumaada isla soomaali la yaqaan.

Soomaali waxba isulama harin, dil, dhac, gumaad, nolosha oo marar badan la isku gubay. Dhawaaq badani kama soo yeerin. Waxaan isu dhiganay isbaaroiyin kuwaasoo dhaliyey in dowlad tayo lihi ka hanaqaadi weydo soomaaliya. Waa isxaqiray, waa isku xad gudibnay, waa isbahdilnay inagoo soomaali isla ah.

Dhawaaq badani kama yimaado. Waa la isdhacay,hanti ma guurto ah ayaa la kala qaatay oo aan ceeb ahayn lagna xishoon, dhawaaq iyo buuq badan cidi kama samayso. Musuq maasuq, laaluush iyo boob hantida la wadaago ayaa la xalaalaystay oo aan lala gaban oo suuqa lagu kala goostaa. Buuq iyo dood badani kama timaado, baarlamaan ka dhiidhiyeyna ma arag.Masaakiintii ayaa dhuunta la qabtay ka dib markii lacago la daabacay iyo kuwo laaluush ku yimi ay suuqa hafiyeen, dhaliyeena sicir barar.Cid ka naxda iyo baarlamaan ka dooda oo dhawaaq kasoo saaraa ma jiro.

Haddaba Ummadda sidaa u bahaloobay oo siyasiyiin ganacsato iyo dulaaley hormuud u yihiin ayaa markii la yidhi qof ajnebi oo aqoonyahan ah baa laga yabaa inuu gudoomiye bangiga dhexe soomaaliya loo dhiibo waxaa ay la soo baxeen wadne iyo qalbi naxariisi ka buuxdo oo dadka,dalka iyo diinta ka naxaaya. Oohintu orgiga ka weyn ee see wax u jiraan. Haddii aan is aamini weyney ee kii meel loo dhiibaa isaga iyo xulafadiisu xaalufinayaan meeshii, kolkaa haddii aqoonyahan anjebi ah la tijaabiyo maxaa dhib ku jira. Waa qof aan caydhin karno haddii uu shaqada loo dhiibay kasoo bixi waayo.

Qalbiga xalay dhalayga ah, ka fekerka iyo naxariista aan dalka u muujineyno waa wax wanaagsan balse aan inagu iska bilowno oo wax ka qabano arrimaha aan kor kusoo sheegay. Ma dalka iyo dadkaa loo jir naxayaa mise jilitaan siyaasadeed baa socda?
Guul dhamaan.ummadda soomaaliyeed ee samaha jecel.

W/Q: Abdirisak Hussein