Sarkaal sare oo ka tirsan Taalibaan oo la xiray

Taalibaan ayaa wufuud u dirtay magaalada Moscow, waxaa ay la kulmeen saraakiil Amerikaan ahImage caption: Taalibaan ayaa wufuud u dirtay magaalada Moscow, waxaa ay la kulmeen saraakiil Amerikaan ah
Sarkaal sare oo ka tirsan Taalibaanta Afqanistaan ayaa lagu xiray magaalada Peshwar ee dalka Pakistaan, ilo wareedyo kasoo baxay Taalibaan ayaa sheegaya in ninka la xiray lagu magacaabo Hafez Mohibullah oo ahaan wasiirkii arrimaha diinta maamulkii Taalibaanta Afqanistaan ka hor sannadkii 2001-dii.

Warar kasoo baxay Taalibaan ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay tahay isku dayga lagu cadaadinayo ururka iyadoo ay socdaan dadaalada Mareykanka uu ku doonayo inuu dhexdhexaadiyo wadahadallo dhexmara ururka iyo xukuumadda Afqanistaan.

Waxayna arrintani imaaneysa xilli la filayo in Pakistaan ay gaaraan xubno matalaya Mareykanka si loo ambaqaado qorshaha dib u heshiisiinta ee Afqanistaan.

Mareykanka ayaa marar badan ugu baaqay Pakistaan in aysan wax gabaad siin Taalibaan.