Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta ka hadlaya xeerka Bangiga dhexe

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu waddaa in ay kulan ku yeeshaan magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlaya wax ka badalka xeerka Bangiga dhexe ee Soomaaliya , xilli Saacaddihii lasoo dhaafay ay soo baxaayeen in Shaqsi Ajnabi ah loo Magacaabi doono Hogaanka Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Bulshadda Soomaaliyeed ayaa walaac ka muujiyay in maanta aan fursad la siin aqoonyahanadda Soomaaliyeed ee bartay cilmiga dhaqaallaha ,laakiin xukuumadda Soomaaliya ay waddo ruux Ajnabi ah.