Qarax Goordhow ka dhacay Afaafka hore Maqaayadda The Village ee Magaalada Muqdisho.

Qarax ayaa goordhow uu ka dhacay nawaaxiga Isgooska Banaadir ee Magaalada Muqdisho, waxaana qaraxaasi loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, iyadoo jugtiisa laga maqlay meelo badan oo Muqdisho ka mid ah.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaasi uu ka dhacay Maqaayadda The Village halka la dhigto gaadiidka oo ah afaafka hore ee Maqaayadaasi, iyadoo Ciidamada Dowladda iyo kuwa ilaalada Hotelkaasi ridayeen rasaas badan, toos oo qal qal gelisay dadka shacabka ee ku dhaw halka uu Qaraxa ka dhacay.

Dhanka kale lama oga khaaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaani, waxaana durbadiiba goobta uu ka dhacay gaaray gaadiidka gurmadka deg dega oo halkaasi ka daad gureynaya dadkii ku waxyeeloobay.