MAAMULKA MAALIYADDA SOMALIYA

Somaliya waxay ka mid tahay wadamada uguwasiirada badan adduunka…wasaarad kastawaxaa u shaqataga seddax wasiir oobadankooda aan aqoon buuxda u lahayn howshaay u xilsaaran yihiin ama laga rabo inayfuliyaan. Ma jiraan waxa lagu magacaabo JOB DESCRIPTION howl tilmaame qeexaya oolagula xisaabtami karo wasiirki fuli waayahowsha loo xilsaaray.Tirada Wasiirada waa 26X3=78 !!!

Waxaa la hubiyay in dalka ay ka shaqeeyaan LABA WASAARAD oo kala ah R/Wasaarahaiyo Maaliyadda oo shaqadeeda lagu sookoobay aruurinta ccanshuuraha laga qaadoGobolka Banaadir oo kaliya. Wasaaradaha Intasoo hartana waa Wasiiro maqaar saar ah oo u jooga meesha inay heystaan booska jufadoodaloo qoondeeyay, wax shaqo ahna loogamabaahna waxa laga sugaa waa inay daacadahaadaan oo kaliya.

Iyadoo meeshaas mareysa ayaa haddana la magacaabay Guddi Maaliyad oo xoogaafaallooyin ah laga qoray oo weliba ku saleysanaragti aqooneed oo ay soo gudbiyeen dad khubaraa oo ku xeel-dheer dhaqaalaha. Ma la heli doonaa dowlad dhegeysata ama akhrisawaxa laga qoro si ay uga faaiido talooyinka loo soo gudbiyo, mase waxay ku taagan tahyay inaydowladdu sax tahay, dadka kalena ay khaldanyihiin.

Guddigaan la magacaabay xagguu uga jiraadhismaha “structureka” xukuumada..dad aanaqoon buuxda u lahayn howsha laga sugaayomaxay guddi ka qaban karaan, mase waa lug-gooyo loogu tala galay inaan waxba kala soconee laysku qafilnaado?

GUDDOOMIYAHA BANKIGA DHEXE

Waxaa soo baxday in loo magacaabo ruuxajnabi ah oon dalka u dhalan. Haddaba su’aashala isweydiinayo waxay tahay qof dalkaan u dhashay ma la waayay, mase kuwa talada dalkaugu sareeya laftooda ayaa ajnabi isu heysta, taasoo micnaheedu yahay qof ajnabi ah aysanjoogin dalka, xuquuqdana loo wada simanyahay cid cid kale ka xigtana aysan jirin. Lagayaabee inay tahay fikradda ay qabaan madaxdadalka ugu sareysa oo isu aragta NUS WADANI NUS AJNABI

Ma laga yaabaa mustaqbalka in Madaxweyneloo doorto qof dal kale u dhashay oo asalkiisuka duwan yahay kan Somalida? Sidey arrimuhu u socdaan wax kasta ka filo nimanka talada haaya!!!

MUCAARID IYO MUXAAFID MAXAA SOO RAACA

Nasiib darrada na heysata waxaa ugu weyn in aysan Farmaajo iyo Kheyre ay ka hoos baxdayinay jiraan qeyb seddaxaad oo soo raacda mucaaradka iyo muxaafidka…waxay u arkaanin cid kasta oo ka hadasha howlaha dowladda ay mucaarad tahay iyadoo muxaafidku uusan kahadlin sida ay u wax u jirtaan, balse ay yihiindad u hogaansan wax alla wixi ka soo baxalabadan ruux sax iyo khalad waxay doonaan ha ahaadeen.

Haddaba, waxaa jirta qayb seddaxaad oo lagumagacaabi karo KORJOOGTO (observers) ooarrimaha u arka si ka duwan aragtida qaybahakale ama meesha ay wax ka fiirshaan. Qofkakhaladkaaga arka kuuna shega kuma necba. Cilmiyan dadku isku si wax uma wada arkaanoo qofbaa wuxuu arkaa wax dadka intiisa kale aan u muuqan, waana dadka lagu magacaaboMOWHUUB oo caqliyad iyo aragti ka duwankana xeeldheer dadka intiisa kale ay u muuqdaan. Dadka noocaas ah aad iyo aad ayaaloo raadiyaa oo laga faaiideystaa si ay mujtamaca wax ugu kordhiyaan.

Tallaabooyinka ay qaadaayaan Farmaajo iyoKheyre waa kuwa horseedi doona burbur iyobarakac ka weyn kana dhibaato badan kii na soomaray ee sagaashamediyadii , waxaana muuqatainaysan dan ka lahayn dhibaatada ka dhalankarta tallaabooyinka ay u qadayaan dhinacadhibaato abuurka iyo islaweynida ay caadeysteen. Waryaa la taliya ee wax u shegaintey goori goor tahay…Allow naga soogaar..AAMIIN.

Axmad Calasow