Wararka ka imaanaya Degmada Bu’aale ee gobolka Jubada dhexe ayaa sheegaya in maanta halkaasi ay ka taagan tahay Cabsi dagaal oo u dhaxeysa Maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo Daacish.
Cabsida Dagaalka ayaa salka ku haya dil kadib markii Al-Shabaab ay halkaasi dil ugu geysteen Sarkaal sare oo ka tirsan Daacish.
Dhanka kale kale Dadka Deegaankaasi ayaa sheegay in dhaq-dhaqaaq ciidan uu ka jiro gudaha magaalada Bu’aale ee gobolka Jubada dhexe, waxaana halkaasi laga soo sheegaya in labadaasi kooxood ay ku jiraan feejignaan aad u saraysa.