Magacyada Ajaaniib Shabaab ka barbar dagaalamaysay oo lagu dilay Gobolka Sh/Hoose.

Wararka ka imaanaya Gobolka S/Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab oo taageero ka helayo Ciidamo Mareykan ah ay Howlgalo qorsheysan ka Fuliyeen degaano ka tirsan Gobolka Shabellada Hoose.

Kumaandoska Soomaaliya ee Danab iyo Ciidamada Mareykanka ayaa Howlgalka ka fuliyay degaanada Baladul Amiin iyo Hanti wadaag oo ka mid ah degaanada hoostaga degmada Janaale ee G/Shabellada Hoose.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ayaa u sheegay Warbaahinta ku hadasha codka Ciidamada qalabka Sida in Howlgalada si wadajir ah looga fuliyay Saldhigyo Al-Shabaab ay ku lahayeen degaanada Baladul Amiin iyo Hanti wadaag oo ka wada tirsan G/Sh/Hoose.

Wararku waxay sheegayaan in ku dhawaad 85 Maleeshiyaad iyo horjogayaal isugu jira Soomaali iyo Ajaanib ayaa lagu dilay howlgaladii ugu dambeeyey oo ay ciidamadu ka fuliyeen deegaano kala duwan oo maleeshiayada Al-Shabaab saldhigyo ku lahaayeen.

Saraakiisha Kumaandooska Soomaaliya waxa ay Idaacadda Ciidamada qalabka Sida u sheegeen Magacyada Horjogayaasha lagu dilay weerarka iyo Dalalka ay u dhasheen.

Magacyada Saraakiisha Ajaniibta ah ee dagaalkaasi lagu dilay ayaa waxaa ka mid ah: Abuu Xamsa Bin Shaam oo ka soo jeeda dalka Masar wuxuuna Shabaabka u qaabilsanaa Tababarada Maleyshiyada, Aweys Abu Xamza Almifsali oo heysta dhalashada dalka Tanzania, Abuu Bilaal Zubeyr ayaa heysta Dhalashada Mauritania wuxuuna horay u ahaa ku xigeenka Ibraahim Afgaan, Aadan Abuu Musiyaan oo ka soo jeeda dalka Suuriya iyo Feysal Bin Hayaan oo ka soo jeeda dalka Yaman.

Dhanka kale Saraakiisha Ciidamada Danab ayaa ugu dambeyntii sheegay in goobta weerarka laga fuliyay ay ahayd saldhigyo lagu tababaro Maleyshiyaad ka mid noqonaya Kooxda Al-Shabaab.