Jubbaland oo abaabulkii ugu dambeey ka wada Jubada Hoose.

Ciidamada Jubbaland ayaa saaka dhaq-dhaqaaqyo Ciidan waxaa ay ka wadaan deegaano hoostago Degmada Afmadoow Ee G/jubba Hoose.

Dadka deegaanka ayaa  sheegay in u jeedka dhaq- dhaqaaqan uu yahay sidii ay al-Shabaab ugu saari lahaayeen deegaano dhowr oo hoostaga degmada Afmadow ee Gobalka Jubada Hoose.

Labadii maalin ee ugu dambeeysay ayaa ciidamada Jubbaland waxaa ay wadeen abaabul dagaal oo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii madaxweynaha maamulka jubbaland Axmed Madoobe uu sheegay in weerar lagu qaadi doono xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee ku sugan Gobalada Jubooyinka.