Guddoomiye K/Xigeen Sayid Cali oo jawaab lamaa filaan ah ka bixiyay xil ka qaadis lagu sameeyay (Dhageysi)

Guddoomiye ku xigeenkii Guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka ee xilka ka qaadista lagu sameeyay Sayid cali ayaa ka horyimid tallaabadaasi, isagoona soo saaray jawaab lama filaan ah isla markaana waxa uu faahfaahin ka bixiyay xaaladda maamul ee guddigaasi iyo musuqmaasuq soo jiray bilihii ugu dambeeyay.

Guddoomiye ku xigeenkii Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in 10-ka bishaan ay soo gaartay warqad ka soo baxday xubno ka tirsan Guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka oo ku aadan inay xilka iyo xubinnimadii Guddiga uu ka haayay laga xayuubiyay,iyadoona qoraalkaasi uu ku saxiixnaa Guddoomiyaga Guddiga Doorashooyinka Xaliimo yarey.

Waxa uu eedeeymo kala duwan uu u jeediyay Guddiga Doorashooyinka qaranka oo ay Guddoomiye u tahay Xaliimo Ismaaciil Yarey.

DHAGEYSI: Warbixinno iyo Wareysiyo kale

Guddoomiye ku xigeenkii Guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa horjeestay xilka qaadistaas lagu sameeyay waxa uuna sheegay in si cadaal ah aan loo marain,isla markaana uu hortegi doono Golaha Shacabka si halkaasi uu uga jeediyo eedeeymo la xiriira Guddiga Doorashooyinka.

Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa waxaa xilka looga qaaday Guddoomiye ku xigeenkii Guddiga, isla mar ahaanta looga saaray xubinnimada,iyagoona lagu eedeeyay in uu u ku xadgudbay sharciga guddiga.