Safaaradda Soomaaliya ee Qatar oo digniin ka soo saartay shirkad ka howlgasha Muqdisho (Akhriso)

Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Doha ee wadanka Qatar ayaa soo saartay qoraal ku saabsan is xambaar nooc cusub ah oo Soomaalida lagu geeyo dalkaasi Qatar, iyadoona sheegtay in kooxahaasi howshooda ay maalmahaan ku baahinayeen howshooda.

Qoraalka oo uu ku saxiixnaa safiirka safaaradda Soomaaliya u fadhiya magaalada Doha ayaa lagu sheegay inay ka war heleen kooxahaasi oo baraha bulshada ku xiriirto ku qoray warbixin ku saabsan in dad Soomaali ah laga shaqaaleysiinayo dalka Qatar, isla markaana lagu sheegayo mushaaraadka la siinayo.

Warka ka soo baxay safaaradda ayaa lagu socodsiiyay guud ahaan jaaliyadda Soomaalida ee ku sugan dalka gudihiisa iyo ciidamada ammaanka Dowladda ayaa lagu sheegay inay ku wargelin doonaan shirkadda howshaasi ku lugta leh.