Maamulka G/Banaadir oo ka jawaabay sababtii wax looga qaban waayay dabkii suuqa Bakaaraha

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ee waaxda dab damiska ayaa dhowr arrimood u sababeeyay dib u dhaca gurmadka deg degga ah ee dab damiska, xilli uu xalay dab qabsaday suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha.

Hanti fara badan oo aan wali qiyaasteeda rasmiga ah la shaacinin ayaa ku burburtay dab baaxad leh oo xalay saameeyay meelo badan oo ka mid ah suuqa bakaaraha, gaar ahaan qeybaha lagu iibiyo dharka huudheyda, maacuunta iyo bagaashka.

Ilaa iyo hadda ma jiro khasaare dhimasho ama dhaawac ah oo laga soo tabiyay musiibadaas, hase ahaatee waxay dad fara badan isweydiinayaan sida durba loo xakameyn waayay dabka oo ganacsato badan ay ku hanti baleen.

Agaasime ku xigeenka waaxda dab damiska ee gobolka banaadir Cabdiqani Maxamed Axmed, oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in 1 xarun oo hadda ka shaqeysa gurmadka dab damiska ay yaallaan 4 gaari oo dab damis ah, kuwaasoo howshoodu ay ku saleysan tahay iney ka jawaabaan musiibooyinka dabka ee ka kaca guud ahaan magaalada Muqdisho.

“Dab damiska xalay shaqada wuu hayay, waliba waxaa dhacay dab kale, oo dabkaas bakaaraha waxaa ka sii horreeyay dab ka kacay degmada Wadjir. Markii ay gaadiidka kasoo laabteen gurmadkaas ayaa nalasoo gaarsiiyay qeylo dhaanta ku saabsan gubashada suuqa Bakaaraha isla markiina waan ku dhaqaaqnay gurmadka aan kula tacaaleynay dabkaas oo aan ku howlaneyn ilaa saaka waabarigii”, ayuu yiri.

Sababta ay gaabiska u tahay howsha dab damiska

Mar aan wax ka weydiinay caqabadaha hor taagan in dab damiska ay durba xal u helaan musiibooyinka dabka ee ku soo noqnoqda Suuqa Bakaaraha ayuu yiri Cabdiqani: “Shaqaalaha gurmadka ee gobolka Banaadir dadaal weyn ayuu sameeyay laakiin waxyaabaha keenay inuu dabka sii fido oo dhakhso wax laga qaban waayo waxaa ka mid ah in aagga uu yahay mid xiran oo aad ciriiri u ah, gaadiidka dab damiskana ay ku adkaatay iney gudaha u galaan”.

Wuxuu dhinaca kale sheegay in awoodda uu hadda gobolka Banaadir u leeyahay gurmadka dab damiska aysan ahayn mid ku wada filan guud ahaan degmooyinka gobolkaas.

“Runtii dabka sidan oo kale u weyn ma aha mid gobolka galiya ay awooddiisa ku filan tahay in lala tacaalo. Waad dareemi kartaa culeyska jira marka ay hal xarun oo dab damis ah ka dhaxeyso 17-ka degmo ee gobolka banaadir oo ay ku nool yihiin dad kor u dhaafaya 3 milyan oo ruux, waxyaabaha kale ee caqabadda weyn nagu noqdayna waxaa ka mid ahaa in booyadaha ay biyo ka waayeen ceelasha ku yaalla aaggaas isla markaana ay xarunta ugu soo laabanayeen si ay biyo uga qaataan. Arrinta kale ee horseedday inuu dabka sii fido waxay ahayd in baldoosarradii jidka furi lahaa ay naga soo daaheen”.

Madaxda maamulka gobolka banaadir ayaa sheegay in ay wadaan baaritaanno ku aaddan sababtii dabka dhalisay.

Xigasho: BBC SOMALI