Qorshe difaac adag loogu sameynayo Saldhigyadda Ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin Goboladda Dalka.

Muqdisho:-Ciidamada Hawgalka midowga afrika ee AMISOM ayaa wada dib u habeyn uu ka sameenayo saldhigyadiisa milatari ee ku yaalo gudaha dalka si kor loogu qaado badqabka iyo amaanka ciidamada saldhigyadaas ku sugan.

Saldhigyada ciidamada AMISOM dib u habaynta lagu samaynayo ayaa waxay qayb ka yahay in ciidamada hawlkalka midowga afrika ay helaan difaac xoogan oo gabaad kaga noqda weerarada iyo qaraxyada kaga imaanayo Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Mr Dludlu madaxa hawlgalada midowga afrika ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id uu ku qabtay caasimada muqdisho isagoona u jeedka ugu wayn ee qorshahan laga leeyahay uu yahay uu yahay sidii lagu adkeen lahaa badqabka ciidamada Amisom.

Madaxa taageerida hawlgalada midowga afrika ayaa sheegay in hawshan ay dib u dhiska ugu sameeyaan xeerooyinka ay ciidamada AMISOM ka dagan yihiin gudaha dalka uu qayb ka yahay qorshaha xaalada kala guurka ee dalka looga saarayo ciidamada nabad ilaalinta midowga afrika kuwaasi oo sida uu qoshuhu yahay in gabi ahaan dalka laga saaro markii lagaaro sanada 2020.

Dhanka kale Qorshahan dib u habeenta loogu sameenayo xeryaha AMISOM ayaa waxaa ka taageerayo kooxda dowlada UK u qaabilsan taageerida ciidamada nabad ilaalinta midowga afrika.