Madaxweynaha KG oo Maanta ku wajahan Baraawe.

C/Casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta ku wajahan Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu la kulmayaa marka uu tago Magaalada Baraawe maamulka degmada iyo Odayaasha dhaqanka.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay ka wadahadli doonaan ayaa waxaa ka mid ah horumarinta degmada baraawe iyo deegaanada hoostaga, iyadoona ay xusid mudan tahay in Magaalada Baraawe ay tahay Caasimada Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Safarka Lafta Gareen ee Baraawe waa kii 2aad oo uu meel ka baxsan Baydhaba ku tagayo tan iyo markii la doortay, iyadoona kii hore uu ku tagay Magaalada Xudur.