Faahfaahin duqeyn ka dhacday Baay

Milatariga Maraykanka ayaa sheegay inay duqayn cusub ka gaysteen Gobolka Bay 8 bishaan in ay ku dileen xubno ka mid ah Shabaab.

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska Afrika ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in duqeyntaasi ay dhacday degaanka lagu magacaabo Yaaq Baraawe oo ku yaalla Gobolka Bay.

Goobtaasi ayaa Maraykanku sheegeen inay ahayd goob ay iska abaabulaan Al-Shabaab.

Lix ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay, baabuurna waa lagu burbiyey sida ay sheegeen taliska Maraykanka.

Maraykanku waxay sheegeen inaan dad rayid ah waxba ku noqonin weerarkaasi.

Waa duqayntii shanaad ee sannadkan Maraykanku uu ka gaysto Soomaaliya.