WAR CUSUB: Shixnado kaniini faaruq ah oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha Hargeys

Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Hargeysa waxaa maanta lagu qabtay shixnado Kaniini faaruq ah oo aanay dhexdiisa waxba ku jirin, iyadoo hay’ad kontaroosha tayada alaabaha laga keeno dalka dibadiisa ay iminka bilowday baaritaano la xariira kaniinigaasi.

Guddoomiyaha hay’adda tayada badeecadaha Somaliland Muuse Cabdi Yuusuf oo BBC-da u waramayay ayaa sheegay in shirkadda keentay kaniiniga faalsada ah aanay iyaga u diiwaan gashaneynin, hase yeeshee wuxuu tilmaamay inay garanayaan madaxda shirkaasi isla markaana waxa uu sheegay inay tallaabo cad ka qaadayaan.

“Anagoo mar walba adeegsaneyna sharciga ayaanu dooneynaa inaan fadeexeyno nimanka keenay kaniiniga” ayuu yiri Guddoomiye Muuse Cabdi oo sheegay inay dhowaan sameynayaan diiwaan gelinta shirkadaha daawooyinka keena Somaliland.

WARARKII UGU DAMBEEYAY SOMALILAND

Waxa uu sheegay in marka ay warbixin buuxda ka helaan shirkadda garoonka diyaaradaha Hargeysa ka soo dejisay kaniiniga dhacay ay shacabka ku wargelinayaan inay ku kalsoonaadaan howlaha ballaaran iyo baaritaanada aanu ku heyno cid kasta oo Somaliland soo gelineysa daawooyin dhacay iyo alaabooyin tayadoodu aad u liidato.

Dhinaca kale Guddoomiyaha hay’adda tayada alaabaha Somaliland ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo howlgalka ay ku qabteen kaniiniga faaruqa ahaa, isagoona ku gaabsaday inay weli socdaan baaritaanada.