Qodob muhiim u ah Soomaaliya oo looga hadlayo shir weynaha Jaamacadda Carabta

Madaxda Jaamacadda Carabta oo fadhi ka yeelanaya Arrimo ay kamid tahay Canta Deymaha Soomaaliya.

Waxaa socda qaban qaabada Shirka Dalalka Xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta oo ka dhacaya Magaalada Bayruut ee Dalka Lubnaan.

Shirka oo ah Mid labo Cisho ah ayaa bilaaban doono 19-ka Bishaan Janaayo waxaana lasoo gabagabeynayaa Maalinta Xigta ee 20-ka bishan January.

Shabakada Elfagr.com oo daabacday Xogta Shirkaan ayaa sheegtay in looga hadlayo Ammaanka, Dhaqaalaha iyo isbadal lagu sameynayo Xubno katirsan Ururka.

Sidoo kale waxaa diiradda lagu saarayaa fadhiga Xubnaha Jaamacada Carabta Dalxiiska iyo hormarinta ilaha Kobaca dhaqaalaha Dalalka.

Waxaa sidoo kale qayb ka ah Xaaladda kasoo cusboonaatay Dalka Suudaan ee ku saabsan isbadalka Maciishadda oo qiimo kororo ku yimid Rootiga.

Sida ku cad Xogta shirkaan waxaa dib loo baarayaa Sanduuqa Lacagta ee Jaamacadda Carabta si kaalmo loogu helo Falastiin, maadaama Mareykanka oo ka jartay lacagihii uu siin jiray.

2018-2022 ayaa kaalmo toos ah loo qoondeen doonaa si gacan maaliyeed ay u gaarto Falastiiniyiinta ku sugan Magaalada Qaza ay u helaan Kaalmo ka tagta Ururka Jaamacadda Carabta.