Luqadda shiinaha & Dugsiyada Somalia.

Ubadka waa in loo kobciyo Sida dhirta, Laguna shubo aqoon berrito anfaceeyso.

Hadda Ka hor waxaan arkay Laba gabdhood oo Ingriis ah oo leh: waxaan London Ku baranaa Luqadda shiinaha, waalidkeen ayaa Afrika Ka ganacsado, mutaqbaka ganacsiga Afrikana Waxaa saameyn Ku yeelan doono shiinaha.

Hore wadanka K/ Afrikana ayaa 2014 Ku daray waxbarashada Dugsiyada maado ah Luqadda shiinaha, sidaa oo kalena yugandha. Kenya Waxaa Ka Jira dugsiyo gaar ah lagu barto Luqadda shiinaha, Laakin hadda Dowlada Kenya ayaa Ku dartayLuqada shiinaha ” Curriculum” Ka maadooyinka la dhigi doono 2020, iyo maadooyin farsamo iyo ganacsi ah, waxaa oo ey sheegeen in Luqadaha Faransiiska & Carabiga iyana lagu Dari doono, si marka uu weynaado, takhasuskiisa Ka sokoow loo badiyo fursadihiisa shaqo.( Ardaygaa shaqo raadsi kuweena berito ma kula tartami karaan?).

Iyada oo laga fekerayo Sida mustaqbalka uu ardagu shaqo Ku abuuran Karo, maadooyin badan ayaa la bedelay, ardagu inta uu yar yahay wax berri anfaco oo uu Ku shaqehsto halaga fekeraa la yiri.

Annaga weli waxaan isticmaalnaa Muqarar Ka kooban maadooyin laga tagay, oo mustaqbalka ardaygu uuna Ku shaqeysan Karin,

Suura gal ma tahay in aan u fekerno sida caalamka, in Maadooyinka , Diinta, wadaniyada lagu badiyo Curriculum- Ka Somalia, kadibna laga fekero, mustaqbalka ardayga iyo isbedelka caalamka, Mise weli Unisco iyo heyado Carbeed ayaa noo diyaarinayo, Curriculum laga tahay.

Maxaa diidaya in ardayga aan dhinac walba Ka dhisno inta uu yar yahay, Lana diyaariyo qof muslim ah, Somali ah, lehna xirfad uu Berri Ku shaqeysto, Luqadda shiinaha iyo kuwa kalena la baro.

Ka feker mustaqbalka Ardayga maanta si Berri uu u la tartano dunida, wixii aad maanta baro ayaad Berri Ka maalee ee ficii haka reebin.Bahda wax barashaad iyo wasaarada waxbarashada ayaa laga rabaa, waa iga Talo.

Wixii Ka khaldan Ka sax.

Qore: Yahya Amir