DEGDEG: Codeynta doorashada madaxweynaha Puntland oo bilaabatay

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya doorashada Puntland ee magaalada Garowe ayaa sheegaya in goor dhow la soo gabagabeeyay xaadirinta musharaxiinta ka qeyb galeysa tartanka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka.

Xildhibaannada baarlamaanka Puntland ayaa bilaabay codeynta doorashada madaxweynaha ee maamulkaasi, waxaana ku tartamaya 21 musharrax.

66 xildhibaan ayaa dooranaya madaxweynaha cusub ee Puntland, waxaana wareegga Koowaad ku guuleysan kara oo kaliya musharraxii hela codadka Saddex meel Labo meel.

Ammaanka magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyey iyadoo la wada eegayo hannaanka ay doorashadan u socoto.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale