Baarlamaanka Puntland oo dooratay Madaxweyne cusub

Waxaa goor dhow soo idlaatay doorashadii saakay ka bilaabatay magaalada Garowe oo xildhibaanada Baarlamaanka ay u codeeyeen 21-musharax oo isku taagay jagada madaxweynaha.

Doorashada oo gashay saddex wareeg ayaa waxaa isugu soo haray wareegii saddexaad laba musharax oo kala ah: Saciid Cabdullaahi Dani iyo Jan. Asad Cusmaan C/llaahi, waxaana 35-cod ku guuleystay Saciid Cabdullaahi Dani.

Musharaxa kale ee Jan. Adan Cusmaan Cabdullaahi ayaa isna helay 31-cod, isagoo halkaasi ka sheegay inuu ku qanacsan yahay sida ay doorashada u dhacday.

Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Dani ayaa halkaasi k jeediyay khudbad oo uu ugu mahad celiyay musharaxii la tartamayay, guddiga doorashada iyo xildhibaanada Baarlamaanka Puntland.

Waxaa kale oo halkaasi khudbad ka jeediyay Madaxweynihii hore ee Puntland C/Weli Maxamed Cali Gaas, isagoona u hambalyeeyay madaxweynaha cusub, wuxuuna kula dardaarmay Madaxweyne Dani inuu dadkiisa iyo dalkiisa u adeego.