WAR CUSUB: C/raxmaan C/Shakuur oo shir jaraa’id boobsiis ah ku qabtay wadada Maka Al-Mukarama (Dhageyso)

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame iyo Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Wadajir Kamaal Guutaale ayaa shir jaraa’id boobsiis ah ku qabtay bartamaha wadada u dhaxeysa isgoysyada Km4 iyo Dabka Hotel Maka Al Mukarama hortiisa.

Shirka Jaraa’id waxaa ka hadlay Guddoomiyaha xisbiga Wadajir iyo C/raxmaan C/Shakuur oo sheegay in laga hor istaagay Seminaar ay ku qaban lahaayeen Hotelka Maka Al Mukarama, kaasi oo koox dhallinyaro ah lagu bari lahaa dowlad wanaagga iyo barnaamijyo lagu kobcinayo garaadkooda.

“Saraakiisha iyo ciidamada Booliska waxay ii sheegeen in amarka lagu joojiyay seminaarka uu ka soo baxay Farmaajo” ayuu yiri C/raxmaan Shakuur oo sheegay inaysan cid jirin cid joojin karta howlahooda, wuxuuna ka codsaday beesha caalamka iyo cid kasta oo ka damqaneysa xaaladda ay wax ka qabato.

Kamaal Guutaale ayaa isna dhinaciisa sheegay in ciidamada Dowladda ay joojiyeen xiritaanka seminaar socday muddo saddex maalin ah, wuxuuna sheegay inuu aad uga xun yahay talaabadaasi oo uu sheegay in howsha halkaasi ka socotay ay tahay mid lagu xoojinayo dowladnimada iyo dimoqoraadiyadda.

Dhinaca kale ciidamada Booliska ayaa isku gadaamay Hotelka Maka Al Mukarama oo ay ka socotay munaasabad tababar loogu soo xirayay seminaar halkaasi ka socday, iyagoona amar ku bixiyay in gebi ahaanba la joojiyo howshaasi, mana jirto wax iska hor imaad ah oo dhex maray ciidamada iyo ilaalada Hotelka.

Ma aha markii ugu horeysay oo madaxda xisbiga Wadajir is hortaag ay ku sameyso Dowladda Federaalka oo iyadu horay weerar toos ah ugu qaaday guriga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho, hase yeeshee shirka jaraa’id ee C/raxmaan C/shakuur ayaa noqday midkii ugu qosolka badnaa isla markaana wadad dhexdeeda ka dhacay.