Diyaarad nooc cusub ah oo markii ugu horeysay Muqdisho ka soo degtay (Daawo)

Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde magaalada Muqdisho waxaa maanta markii ugu horeysay ka soo degtay diyaarad ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed isla markaana sameysa duulimaadyo caalami ah.

Diyaaradaan oo qaada rakaab tiradoodu ka badan tahay 300-ruux ayay sheegayaan maamulka shirkaddaasi inay duulimaayo ku sameyneyso magaalada Muqdisho, gobolada dalka iyo wadamada caalamka qaarkood.

Agaasimaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed Axmed Macallin Xasan ayaa sheegay in diyaaradaan oo lagu magacaabo FLY ADE ka mid noqotay sanadkaan cusub ee 2019-ka midii ugu horeysay ee iyadu ka howlgasha dalka Soomaaliya.

“Waxaa baryahaan garoonka ku soo kordhayay diyaarado cusub oo ay ka mid tahay shirkadda diyaaradaha Fly Adde oo sanadkaan cusub ku soo biirtay” ayuu yiri agaasimaha duulista rayidka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale maamulaha shirkadda Fly Adde Maxamed Cadde Yaasiin ayaa sheegay inay sameyn doonaan maalintii shan duulimaad oo dalka gudihiisa, isagoona sheegay in ka maamul ahaan ay isku dayayaan qancinta dhoofayaasha.