Yaa bililiqeeystay warbaahinta maamulka Falastiiniyiinta?

Shan nin ayaa la xiray kadib markii xaafiisyada shirkadda warbaahinta falastiiniyiinta la bililiqeeystay.

Agab lagu qiimeeyay kumanaan doolar ayaa la burburiyay markii rag hubeysan ay soo weerareen dhismaha warbaahinta maalintii jimcaha ahayd.

Warbaahinta ayaa waxaa maal galiyo maamulka Falastiiniyiinta oo ay maamulaan ururka Fatax.

Shaqaalaha ayaa markii hore dhacdadaan ku eedeeyay kooxda Hamas oo maamusha Gaza, balse ururka islaamiga ah ayaa waxaa uu sheegay in ay ka caroodeen hadalka ka soo yeeray shaqaalaha warbaahinta.

Shanta nin ee la xiray ayaa waxa ay la shaqeeyaan maamulka Falastiiniyiinta, kuwaasi oo goor dhawayd la naaqusay mushaarkooda, waxaa sidaa warbixin ku sheegay wasiirka arrimaha gudaha ee maamulkaasi.
Kaamirooyinka iyo agabkii codadka lagu jar-jarayay ayaa dhamaantood la burburiyay.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in baaritaan la sameeyay lagu ogaaday in nimankaan ay ka dambeeyeen jabsashada warbaahinta, kuwaasi oo dhamaantood ah xubno ka tirsan maamulka Fatah.

Labadaan kooxood, waa fatax iyo Hamase, cilaaqaad wanaagsan kama uusan dhaxayn tan iyo markii Hamas ay la wareegtay maamulka maagaalada Gaza.

Bishii octobar ee sandkii 2017-kii ururada Fatah iyo Hamas, waxa ay kala saxiixdeen qodobo dib u heshiisiin ah oo looga gol lahaa in Hamas ay wareejiso maamulka Gaza balse khilaaf ayaa ragaadiyay heshiiskaasi in uu miro dhalo.